Friday, May 4, 2018

Taariikhda Dowladdii Rayidka ahayd 1-dii Luulyo 1960 ilaa 15-kii Oktoobar 1969

Qaybta 5aad

Soomaaliya xilligaas waxay ahayd dowlad curdan ah oo da´deedu ay tahay toddoba sano jir. Wax soo-saar dhaqaale ma ayan lahayn. Siyaasadda dalka waxaa caynaanka u hayay dhaqankii xoolo-raacatada ahaa ee isla-wayni darteed wax badan lala il-duufayey. Hoggaanka siyaasiyiintii xilligaas u kacay Soomaalida, wanaag bandanna waa uu ka dhex-muuqday. khaladaad laga duruus-qaatona waa weheliyaa.
Siyaasadda debecsan oo dowladdii Cigaal ay la timid, daaqado waxay Soomaalidu u furtay daaqado ay kaga baxdu culayskii siyaasadeed ee dibadda ka haystay. Kenya iyo Itoobiya, labaduba waxaa ku qahranaa reer miyiga Soomaaliyeed ee xoolo-raacatada ah. Hannaanka dowladeed ee u dhisnaa labada dowladood ee deriska ah, waxay markaan fududeeyeen culays badan oo la xiriira isu-socodka iyo daaqsinka qoysaska xoolo-raacatada ah. Hayaankii ay xoolaha la guurayeen oo ay xuduudda kala tallaabayeen waa la sahlay. Shirkaddii dayuuradaha (Somali Air-Lines) waxay ruqsad u heshey in ay ka degato Addis-Ababa iyo Nairobi. Kenya waxay oggolaatay in la aqbalo waraaqihii codsiga Somaliya ay ku dalbatay xubinnimada is-bahaysiga EAC (East African Community), kaas oo ahaa suuq ganacsi oo ay ku mideysnaayeen lix dal oo bariga Afrika ah.
Dowladaha reer galbeedka, waxay dhankooda ka soo dhoweynayeen tallaabadaas ay weheliso debecsanaanta siyaasadeed. Ra´iisul-wasaare Cigaal siyaasaddiisii dibadda waxaa lagu soo koobi karaa in ay ku guuleysatay laba arin, kuwaas oo uu ku xasilinayay siyaasadda gudaha. Midda koowaad waxay tahay in uu dejiyay xiisaddii xuduudda ee dhex-tiil Soomaaliya iyo dowladaha deriska ah (Kenya iyo Itoobiya). Midda labaad waxay tahay in uu siyaasadda Soomaaliya ku dhoweeyo reer galbeedka, taas oo uu ku hakinayo isu-dhowaanshaha Soomaaliya iyo Midowga Soofyeeti. Siyaasaddii M.I. Cigaal uu gar-wadeenka ka noqday waxaa ka dhashay in ay maal-gashi bilaabaan shirkado kamid ah dowladaha reer galbeedka.
Diblomaasigii ugu horeeyey oo reer galbeed ah oo Soomaaliya soo gaaray wuxuu ahaa wasiirkii dibadda Talyaaniga Amintore Fanfani. Wasiirkani wuxuu booqasho rasmi ah ku yimid Xamar muddadii u dhexeysey 11 – 15 january 1968-kii. Isagu wuxuu xilligaas odey ka ahaa xisbiga (Christian Demoqcratic Party). Wuxuu ahaa nin siyaasiyiinta Soomaalida ay si wanaagsan u yiqiineen. Dhowrkii maalmood oo uu dalka ku sugnaa ayuu wuxuu sheegey in Talyaanigu uu diyaar ula yahay Soomaaida mashaariic hantida ku bexeysa ay dhan tahay 12 bilyan oo liiro. Dhaqaalahaas wuxuu ku baxayay dhismaha isbitaalka biliiska iyo laba kaabad oo webiga shabeelle lagaga tallabsado iyo dhaqaale lagu kaalmeeyo beeralaydii mooska ee Talyaaniga, kuwaas oo uu dhaawac kaga yimid xiritaankii biya-mareenka Suweys. Xiritaankaas ayaa waxaa sabab u ahaa dagaalkii la magac-baxay (Six Days War) ee dhex-maray dowlado carab ah iyo Israa´iil.
Dowladda Mareekanka ayaa iyaduna ku soo deg-degtay in Soomaaliya ay gacan ka siiso hagaajinta dhisma-hoosaadka iyo kaabadaha dhaqaale. Hiilladii ugu wayneed oo Soomaaliya ay ka hesho dowlad reer galbeed ah ayuu Mareekanku markaas bixiyay. 24/ 6- 1968-kii waxay Soomaaliya la saxiixatay heshiis mashaariic lacagaha ku baxaya ay yihiin amaah muddo dheer lagu celiyo, dul-saarkana uu yar-yahay. Amaahdu waxay dhamayd 12,9 melyan oo dollar oo lagu qabanayo hagaajinta biyaha Xamar, dayn la siinayo bangiga amaahda ee Soomaaliya iyo hagaajinta dekadda Kismaayo.
Waxaa kale oo jiray shirkado ay leeyihii Mareekan, Talyaani iyo Jarmal oo iyagu danaynayay macdanta Soomaaliya ku jira, gaar ahaan Uranium-ka. Shirkadahaasi, gobollada qaarkood ayay ka bilaabeen sahan lagu baadi-goobayo macdantaas. Dhan-kale ra´iisul-wasaare Cigaal wuxuu qaaday tallaabooyin uu ku hakinayo howlihii mu´asasadda ciidamada, kuwaas oo ay kamid ahaayeen dhaqdhaqaaqyada lagu ilaalinayay xudduudaha. Wuxuu kaloo hor-joogsaday qoraal dalab ah oo ku wajahan dowladda. Wuxuu ka yimid Jeneraal Maxamed Siyaad oo isagu markaas ahaa taliyaha xoogga dalka. Qoraalku wuxuu ahaa codsi uu jeneraalku ku dalbayay, dhaqaalaha ku baxaya ciidanka oo xilligaas ahaa 19,5 %, in sanadka la kordhiyo 7 %, kaas oo sanadka 1968-ka gaarsiisan 10,5 melyan oo Dolar. Ra´iisul-wasaaraha ayaa codsigaas kaga jawaabay, halkii la kordhin lahaa in dhaqaalaha ciidanka hoos loo dhigo oo aanan laga kordhin 7,5 melyan oo doolar. Guud ahaan tirada ciidanka ayuu ra´iisul-wasaaruhu wuxuu amray in ayan kor u dhaafin 9,000 oo nin.
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

No comments:

Post a Comment