Soomaaliya xilligaas waxay ahayd dowlad curdan ah oo da´deedu ay tahay toddoba sano jir. Wax soo-saar dhaqaale ma ayan lahayn. Siyaasadda dalka waxaa caynaanka u hayay dhaqankii xoolo-raacatada ahaa ee isla-wayni darteed wax badan lala il-duufayey. Hoggaanka siyaasiyiintii xilligaas u kacay Soomaalida, wanaag bandanna waa uu ka dhex-muuqday. khaladaad laga duruus-qaatona waa weheliyaa.
Siyaasadda debecsan oo dowladdii Cigaal ay la timid, daaqado waxay Soomaalidu u
furtay daaqado ay kaga baxdu culayskii siyaasadeed ee dibadda ka haystay. Kenya
iyo Itoobiya, labaduba waxaa ku qahranaa reer miyiga Soomaaliyeed ee
xoolo-raacatada ah. Hannaanka dowladeed ee u dhisnaa labada dowladood ee
deriska ah, waxay markaan fududeeyeen culays badan oo la xiriira isu-socodka
iyo daaqsinka qoysaska xoolo-raacatada ah. Hayaankii ay xoolaha la guurayeen oo
ay xuduudda kala tallaabayeen waa la sahlay. Shirkaddii dayuuradaha (Somali
Air-Lines) waxay ruqsad u heshey in ay ka degato Addis-Ababa iyo Nairobi. Kenya
waxay oggolaatay in la aqbalo waraaqihii codsiga Somaliya ay ku dalbatay
xubinnimada is-bahaysiga EAC (East African Community), kaas oo ahaa suuq
ganacsi oo ay ku mideysnaayeen lix dal oo bariga Afrika ah.
Dowladaha reer galbeedka, waxay dhankooda
ka soo dhoweynayeen tallaabadaas ay weheliso debecsanaanta siyaasadeed.
Ra´iisul-wasaare Cigaal siyaasaddiisii dibadda waxaa lagu soo koobi karaa in ay
ku guuleysatay laba arin, kuwaas oo uu ku xasilinayay siyaasadda gudaha. Midda
koowaad waxay tahay in uu dejiyay xiisaddii xuduudda ee dhex-tiil Soomaaliya
iyo dowladaha deriska ah (Kenya iyo Itoobiya). Midda labaad waxay tahay in uu
siyaasadda Soomaaliya ku dhoweeyo reer galbeedka, taas oo uu ku hakinayo
isu-dhowaanshaha Soomaaliya iyo Midowga Soofyeeti. Siyaasaddii M.I. Cigaal uu
gar-wadeenka ka noqday waxaa ka dhashay in ay maal-gashi bilaabaan shirkado
kamid ah dowladaha reer galbeedka.
Diblomaasigii ugu horeeyey oo reer
galbeed ah oo Soomaaliya soo gaaray wuxuu ahaa wasiirkii dibadda Talyaaniga
Amintore Fanfani. Wasiirkani wuxuu booqasho rasmi ah ku yimid Xamar muddadii u
dhexeysey 11 – 15 january 1968-kii. Isagu wuxuu xilligaas odey ka ahaa xisbiga
(Christian Demoqcratic Party). Wuxuu ahaa nin siyaasiyiinta Soomaalida ay si
wanaagsan u yiqiineen. Dhowrkii maalmood oo uu dalka ku sugnaa ayuu wuxuu
sheegey in Talyaanigu uu diyaar ula yahay Soomaaida mashaariic hantida ku
bexeysa ay dhan tahay 12 bilyan oo liiro. Dhaqaalahaas wuxuu ku baxayay
dhismaha isbitaalka biliiska iyo laba kaabad oo webiga shabeelle lagaga
tallabsado iyo dhaqaale lagu kaalmeeyo beeralaydii mooska ee Talyaaniga, kuwaas
oo uu dhaawac kaga yimid xiritaankii biya-mareenka Suweys. Xiritaankaas ayaa
waxaa sabab u ahaa dagaalkii la magac-baxay (Six Days War) ee dhex-maray
dowlado carab ah iyo Israa´iil.
Dowladda Mareekanka ayaa iyaduna ku soo
deg-degtay in Soomaaliya ay gacan ka siiso hagaajinta dhisma-hoosaadka iyo
kaabadaha dhaqaale. Hiilladii ugu wayneed oo Soomaaliya ay ka hesho dowlad reer
galbeed ah ayuu Mareekanku markaas bixiyay. 24/ 6- 1968-kii waxay Soomaaliya la
saxiixatay heshiis mashaariic lacagaha ku baxaya ay yihiin amaah muddo dheer
lagu celiyo, dul-saarkana uu yar-yahay. Amaahdu waxay dhamayd 12,9 melyan oo
dollar oo lagu qabanayo hagaajinta biyaha Xamar, dayn la siinayo bangiga
amaahda ee Soomaaliya iyo hagaajinta dekadda Kismaayo.
Waxaa kale oo jiray shirkado
ay leeyihii Mareekan, Talyaani iyo Jarmal oo iyagu danaynayay macdanta
Soomaaliya ku jira, gaar ahaan Uranium-ka. Shirkadahaasi, gobollada qaarkood
ayay ka bilaabeen sahan lagu baadi-goobayo macdantaas. Dhan-kale
ra´iisul-wasaare Cigaal wuxuu qaaday tallaabooyin uu ku hakinayo howlihii
mu´asasadda ciidamada, kuwaas oo ay kamid ahaayeen dhaqdhaqaaqyada lagu
ilaalinayay xudduudaha. Wuxuu kaloo hor-joogsaday qoraal dalab ah oo ku wajahan
dowladda. Wuxuu ka yimid Jeneraal Maxamed Siyaad oo isagu markaas ahaa taliyaha
xoogga dalka. Qoraalku wuxuu ahaa codsi uu jeneraalku ku dalbayay, dhaqaalaha
ku baxaya ciidanka oo xilligaas ahaa 19,5 %, in sanadka la kordhiyo 7 %, kaas
oo sanadka 1968-ka gaarsiisan 10,5 melyan oo Dolar. Ra´iisul-wasaaraha ayaa
codsigaas kaga jawaabay, halkii la kordhin lahaa in dhaqaalaha ciidanka hoos
loo dhigo oo aanan laga kordhin 7,5 melyan oo doolar. Guud ahaan tirada
ciidanka ayuu ra´iisul-wasaaruhu wuxuu amray in ayan kor u dhaafin 9,000 oo
nin.
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com