QABİİLKA İYO QARANKA
waa maxay qabiil?
Sideedana mushkilo dhaqan ama dhaqaale xallinteeda had iyo goor waxaa habboon in la kaashado cilmi, baaritaan cilmi ah in lagu sameeyo marka hore, laga doodo, la rogrogo, dabadeedna laga soo saaro xal munaasib u ah mushkiladaas. Hadaan sidaa layeelin waxaa imaanaysa in xaajada isha iska rido, oo meeshii ay ku habooneed meel aheyn lageeyo, xalkii wax lagaga qaban lahaa mid aan aheynna loogu taliyo.
Hadaba,qabiilka waa maxay? Aynu isweydiino. Bal marka hore aynu u sameyno sicilmi ah qeexid iyo tilmaam. Waxaa la oran karaa , waxaan filayaa inaynu isku diideyn qabiilku in uu yahay hab dhaqan oo salka ku haaya dhaqaale mucayin ah oo layaqaan. Dhaqankaas iyo dhaqaalahaas marka laysku qaado waxey ku abaaran yihiin marxalo mujtamacyada Adduunku ay so wada mareen oo binu'aadamka dhabbe lagu yaqaanay oo uu soo wada qaaday ah oo la yiraahdo marxaladii horeysay ama bidaa'iga aheyd "primative societies" . Waxay ilatahay taa inaan isku diidaneyn. Wax u gaar ah Afrika iyo Soomaaliya ma aheyne Adduunka binu'aadamkiisa oo dhan marxalad uu soo maray, walow in badan oo dadka Addunka ku nool ay ka gudubtay weeye sida aanu ka warqabno. Kagudbiddaas oo iyana marka ku timid, haddeynu niri waa hab dhaqan iyo dhaqaale, dhaqaalihii oo isbedelay dabadeedna keenay inuu dhaqanku isbadelo .
Markeynu sidaa kalmad kooban ugu eegno qabiilka, haddana aynu isha ku qabano keenna, walow aad mooddo inuu aad Afrika oo dhanba ugu faafsan yahay iyo dhulalka kale ee Adduunka sidaad ka warqabtaan -sida Aasiya,Laatiin Ameerika in laga hel helo.. Haddeynu isha keena ku qabanno, marka hoos loo dego wuxuu ku dhisan yahay abtirsiimo wax la yiraahdo xag dhiig dugsaneysa, marka kor loo loo qaadana meesha ay rabto gaari karto oo qolaba meel ku rarto laakiin marka hooos u dhaco unugga ugu danbeeyo oo qabiilku yahay, sidaad ka warqabtaan, reerka,qoyska labada bahood oo odegu qabo ficillankooda ayaa ugu hooseeya meel qabiilku gaaro.
Qabiilka sidaas ah, aragtidiisu, waxey ka kooban tahay bay'adda deegaankiisu uu yahay, bay'addaas oo leh, haddii ay tahay xoolaha uu dhaqanhayo, geel,ari,lo',fardo iyo wixii la halmaala ee afarta xoolo Addunyo la oran jiray, hadey tahay daaqsiinta, barinka uu daaqaayo ee uu dagan yahay, hadey tahay ceelasha halkaa ku yaalla, kuwo la qodayo ama kuwa qodanaa oo la cabbahyo ah, haddey tahay qaaraanka waxa layiraahdo oo hababka qabiilkaasi ku dhaqmo ah, haddey tahay diyada bixinteeda iyo garta kala gasha afraadda qabiilkaas ka garnaqiddeeda.
Aragtidiisu qabiilku waxa uu ku eg tahay ama ku kooban tahay bey'addaas, mid ka shisheysa hadba bey'addas uu deggan yahay ma aha. Dal waxaa u ah sida aan idhi, hadba deegaankiisa xoolihiisa uu ku dhaqdo, kaasoo laftiisu aan joogto aheyn ee badelmaya, maanta hadii uu halkaan ku abaarsado berri halkaas tegayo, hadba meeshii seymo roob ku hooraaan u guuritaankeeda oo iyada lafteedu dal u ah, inkastoo ay suurowdo muddaba inu inta meel yaallo uu yiraahdo halkaan ayaan daaqaa.
sharciga u degsan qabiilku sida aad ogtihiin waa, xeer jajabka. Ciqaabtuna badanaaba waa mid guud ee mid gaar ah ma aha. Ciqaabta bixinteeda waxaa ka qeyb gala ama qabiilkoo idil ama marka qabiilka laga yimaado xeerka hoose ee qofkaas wax lagu yeeshay uu ku abtirsanayo ama qoyska uu isagu ka soo kallahay. Ciqaabtu waxay noqotaa mid loo dhanyahay badanaa, sida diyada oo kale, daqarka, jaa'ifada iwm.
sidoo kale deegaanka difaaciisa, dagaalka iyo dumidda iyo abaabulida dagaalka iyadana waa arin jimaaci ah oo qabiilka oo dhan ka dhaxeyso . waxaa qabiilkoo dhan ka dhaxeeya xagga dhaqaalaha ceelasha iyo daaqsiinta. laakiinse xoolaha qabiilku waa hantiile oo nin walbaa hantidiisa asigaa leh, laakiinse dhulka,ceelasha,daaqsinka iwm waa ka dhaxeeyaan.
Markeynu sidaa u fasirno, haddana keena waxaa la yiraahdaa Diinta islaamka ayuu heystaa. Bal hada aanu eegno halka uu diinta ka heysto. Diinta İslaamku weynu naqanaa waa caddahay waa tii Quraanka Munasalka oo İlaahay soo dejiyay iyo Axaadiista Rasuulka "Naxariisi korkiisa ha ahaatee" ku fadhida.
Qabiilku waxa diinta kaga xoog badan caadooyinkii ka Ab ka Ab uu ku dhaqnaa ama xeer jajabkii aan idiin sheegahayey oo shuruucdiisa ay ku dhisan yihiin , iyagoo ka shidaal qaadanaya caadooyinkaa aan soo sheegay. Caaadooyinkaas oo ka horreeyey İslaamka. waxa uu İlaahey yidhi.
"
walakum filkhasaasi xayaatun yaa ulel albaabi"
İlaahey waxa uu yidhi "qisaasta nolol baa idiinkugu jirta wax garadkow". Qabiilku ma oggala mahmaa qofkaa uu toban ama labaatan dilo xooggaa geela iyo ari ah in laga bixiyo weeye xaajadiisu isaga.
Marka halkaa shuruucdii islaamka kama oggola marka ay timaado xagga shareecada ku camalfalkeeda, weliba dhinaca janaa'iga ah ma oggola. xeer jajabkii hoose ayuu kula noqonayaa, maslaxo iyo xoolo ka qaadasho iyo faataxo u marid aan sii jireyn weeye xaalkiisu.
İslaamka kala sarreynta ma oggola. Nabigu. Naxariis kortkiisa ha ahaatee wuxuu yidhi.
"dadku waxa uu u siman yahay sida ilkaha saqafta oo kale"
"İlaahey agtiisana waxaa idiinkugu dhaw kan hadba idiinkugu cabsida badan"
Qabiilku ma oggola xadiiskaas oo waa la kala sareeyaa, ilaa qawsaar laga gaaro, nin layiraahdo oo ariga ama geela la raacsado. Marka ku xigtana dadka qaar buu faquuqaa oo dhiiggooda ku soocaayaa.
Qabiilka hadalkiiyoo kooban marka diinta xaalkeeda ay joogto, maahmaahyadaan ayaan uga baxay. Sidaad ka warqabtaan diinta waxaa ugu sareeya qabiilka ninka yiraahdo "Fiqiga", hebel waa fiqi ama waa faqiih dhinaca carabiga marka loo koco, waxey ku maahmaahaan " Fiqi tolkii kama janno tago"
oo maxuusan ugu jannano tagin. İyaga naarta u jiidahaya oo mas'alo been ah oo eexi ku jirto ayuu ku garnaqayaa. Markey duulayaan ayey leeyihiin shan ka roorti noo aqri. Asma noo tuur bay leeyihiin oo isna wuu tuurayaa. waxey kaloo yiraahdaan: "Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa".
Qormada qeybteeda 2aad oo ayaddana mawduuc hoosaadkeedu yahay " waa maxay qaran?" waan soo wadaa. wixii fikir, tallo, tusaale ah hoos ku soo gudbi.
Mahadsanidiin.