Friday, May 4, 2018

Taariikhda Dowladdii Rayidka ahayd 1-dii Luulyo 1960 ilaa 15-kii Oktoobar 1969

Qaybta 5aad

Soomaaliya xilligaas waxay ahayd dowlad curdan ah oo da´deedu ay tahay toddoba sano jir. Wax soo-saar dhaqaale ma ayan lahayn. Siyaasadda dalka waxaa caynaanka u hayay dhaqankii xoolo-raacatada ahaa ee isla-wayni darteed wax badan lala il-duufayey. Hoggaanka siyaasiyiintii xilligaas u kacay Soomaalida, wanaag bandanna waa uu ka dhex-muuqday. khaladaad laga duruus-qaatona waa weheliyaa.
Siyaasadda debecsan oo dowladdii Cigaal ay la timid, daaqado waxay Soomaalidu u furtay daaqado ay kaga baxdu culayskii siyaasadeed ee dibadda ka haystay. Kenya iyo Itoobiya, labaduba waxaa ku qahranaa reer miyiga Soomaaliyeed ee xoolo-raacatada ah. Hannaanka dowladeed ee u dhisnaa labada dowladood ee deriska ah, waxay markaan fududeeyeen culays badan oo la xiriira isu-socodka iyo daaqsinka qoysaska xoolo-raacatada ah. Hayaankii ay xoolaha la guurayeen oo ay xuduudda kala tallaabayeen waa la sahlay. Shirkaddii dayuuradaha (Somali Air-Lines) waxay ruqsad u heshey in ay ka degato Addis-Ababa iyo Nairobi. Kenya waxay oggolaatay in la aqbalo waraaqihii codsiga Somaliya ay ku dalbatay xubinnimada is-bahaysiga EAC (East African Community), kaas oo ahaa suuq ganacsi oo ay ku mideysnaayeen lix dal oo bariga Afrika ah.
Dowladaha reer galbeedka, waxay dhankooda ka soo dhoweynayeen tallaabadaas ay weheliso debecsanaanta siyaasadeed. Ra´iisul-wasaare Cigaal siyaasaddiisii dibadda waxaa lagu soo koobi karaa in ay ku guuleysatay laba arin, kuwaas oo uu ku xasilinayay siyaasadda gudaha. Midda koowaad waxay tahay in uu dejiyay xiisaddii xuduudda ee dhex-tiil Soomaaliya iyo dowladaha deriska ah (Kenya iyo Itoobiya). Midda labaad waxay tahay in uu siyaasadda Soomaaliya ku dhoweeyo reer galbeedka, taas oo uu ku hakinayo isu-dhowaanshaha Soomaaliya iyo Midowga Soofyeeti. Siyaasaddii M.I. Cigaal uu gar-wadeenka ka noqday waxaa ka dhashay in ay maal-gashi bilaabaan shirkado kamid ah dowladaha reer galbeedka.
Diblomaasigii ugu horeeyey oo reer galbeed ah oo Soomaaliya soo gaaray wuxuu ahaa wasiirkii dibadda Talyaaniga Amintore Fanfani. Wasiirkani wuxuu booqasho rasmi ah ku yimid Xamar muddadii u dhexeysey 11 – 15 january 1968-kii. Isagu wuxuu xilligaas odey ka ahaa xisbiga (Christian Demoqcratic Party). Wuxuu ahaa nin siyaasiyiinta Soomaalida ay si wanaagsan u yiqiineen. Dhowrkii maalmood oo uu dalka ku sugnaa ayuu wuxuu sheegey in Talyaanigu uu diyaar ula yahay Soomaaida mashaariic hantida ku bexeysa ay dhan tahay 12 bilyan oo liiro. Dhaqaalahaas wuxuu ku baxayay dhismaha isbitaalka biliiska iyo laba kaabad oo webiga shabeelle lagaga tallabsado iyo dhaqaale lagu kaalmeeyo beeralaydii mooska ee Talyaaniga, kuwaas oo uu dhaawac kaga yimid xiritaankii biya-mareenka Suweys. Xiritaankaas ayaa waxaa sabab u ahaa dagaalkii la magac-baxay (Six Days War) ee dhex-maray dowlado carab ah iyo Israa´iil.
Dowladda Mareekanka ayaa iyaduna ku soo deg-degtay in Soomaaliya ay gacan ka siiso hagaajinta dhisma-hoosaadka iyo kaabadaha dhaqaale. Hiilladii ugu wayneed oo Soomaaliya ay ka hesho dowlad reer galbeed ah ayuu Mareekanku markaas bixiyay. 24/ 6- 1968-kii waxay Soomaaliya la saxiixatay heshiis mashaariic lacagaha ku baxaya ay yihiin amaah muddo dheer lagu celiyo, dul-saarkana uu yar-yahay. Amaahdu waxay dhamayd 12,9 melyan oo dollar oo lagu qabanayo hagaajinta biyaha Xamar, dayn la siinayo bangiga amaahda ee Soomaaliya iyo hagaajinta dekadda Kismaayo.
Waxaa kale oo jiray shirkado ay leeyihii Mareekan, Talyaani iyo Jarmal oo iyagu danaynayay macdanta Soomaaliya ku jira, gaar ahaan Uranium-ka. Shirkadahaasi, gobollada qaarkood ayay ka bilaabeen sahan lagu baadi-goobayo macdantaas. Dhan-kale ra´iisul-wasaare Cigaal wuxuu qaaday tallaabooyin uu ku hakinayo howlihii mu´asasadda ciidamada, kuwaas oo ay kamid ahaayeen dhaqdhaqaaqyada lagu ilaalinayay xudduudaha. Wuxuu kaloo hor-joogsaday qoraal dalab ah oo ku wajahan dowladda. Wuxuu ka yimid Jeneraal Maxamed Siyaad oo isagu markaas ahaa taliyaha xoogga dalka. Qoraalku wuxuu ahaa codsi uu jeneraalku ku dalbayay, dhaqaalaha ku baxaya ciidanka oo xilligaas ahaa 19,5 %, in sanadka la kordhiyo 7 %, kaas oo sanadka 1968-ka gaarsiisan 10,5 melyan oo Dolar. Ra´iisul-wasaaraha ayaa codsigaas kaga jawaabay, halkii la kordhin lahaa in dhaqaalaha ciidanka hoos loo dhigo oo aanan laga kordhin 7,5 melyan oo doolar. Guud ahaan tirada ciidanka ayuu ra´iisul-wasaaruhu wuxuu amray in ayan kor u dhaafin 9,000 oo nin.
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Taariikhda Dowladdii Rayidka ahayd 1-dii Luulyo 1960 ilaa 15-kii Oktoobar 1969

Qaybta 4aad

Dhallinyaro, sida aanu soo xusnay ra´iisul-wasaare M.I. Cigaal wuxuu ku qanciyay dowladdii Ingiriiska in iyada uu ka yimaado codsiga soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo ay la lahayd Soomaaliya. Diblomaasigii Ingiriiska ahaa (Malcolm Mac-Donald), isaga oo ergey ah ayuu wuxuu la kulmay ra´iisul-wasaare Cigaal. Goor galab ah ayuu ergeygii wuxuu ra´iisul-wasaaraha kula kulmay xafiiskiisii. Labada nin waxaa fadhiga ku weheliyay wasiirkii dibadda Xaaji Faarax Cali. Sheeko gaaban dabadeed, ra´iisul-wasaarihii wuxuu wasiirkii ka codsaday in uu u firaaqeeyo xafiiska si ay u wada-hadlaan isaga iyo ergeyga. Diblomaasiga Ingiriiska ah, qudhiisu waa uu xiiseynayay in wada-hadalka uu marka hore ku ekaado isaga iyo ra´iisul-wasaaraha oo qura.
M.I. Cigaal wuxuu ergeyga martida ah ku adkeeyey, marka la soo celinayo xiriirka labada dal in Ingiriiska uu ka filayo in ay dowladda Soomaaliya taageeraan. Haddii kale waxaa hoos u dhacaya kalsoonida dowladda uu hoggaaminayo. Diblomaasiga ayaa isna ka biya-diiday arinkaas ah kaalmada oo wuxuu sheegey in aanan Ingiriiska laga filan taageero deg-deg ah. Wada-hadalkoodii wuxuu ku dhamaaday saddex qodob oo ah (1) Ingiriiska oo diidey in wax shuruud ah oo hor-dhac ah lagu xiro soo-celinta xiriirka diblomaasiyadeed. (2) Si kasta oo dowladda Soomaaliyeed ay u liidato xaaladdeeda dhaqaale, Ingiriisku ma-noqonayo mid ay ka fishaan dhaqaale lagu kabo danbiisha Soomaaliya. (3) Ingiriisku wuxuu ku dadaalayaa, qaar kamid ah ardayda Soomaaliyeed in uu u fidiyo deeq waxbarasho sanad-dugsiyeedka soo socda ee ah 1968-1969.
Ra´iisul-wasaare Cigaal, in-kasta oo uusan ku qanacin qodobadaas, misana waxaa kala waynaa in xiriirka soo laabto oo Soomaaliya ay ka baxdo ciriiriga siyaasadda dibadda. Waxaa lagu heshiiyay ka-hor intaanan la gaarin 5/ 1- 1978-ka in labada dal ay soo ceshadaan xiriirkii, iyaga oo ka bilaabaya in ay is-dhaafsadaan labadii danjire. Iyada oo dib loo dhigtay wixii wada-hadal ah oo la xiriira kaalmada dhaqaale. Ra´iisul-wasaaraha waxaa loo sheegey in ayan jirin kaalmo wax ku ool ah oo Ingiriisku uu goor dhow ula diyaar yahay Soomaaliya, laakiin markii uu xiriirku hagaago kadib, arinkaas laga wada hali-doono. Iyada oo isla-markaas deeqda loo bixin doono si qun-yar socod ah. Cigaal wuxuu markaas ka codsaday diblomaasigii ergeyga ahaa in uusan warbaahinta gaarsiin in Ingiriisku uusan hadda bixinayn ballan-qaad la xiriira kaalmada dhaqaale. Isagana waa uu ka yeeley.
Muddadii uu ergeygan ku sugnaa magaalo-madaxda Soomaaliya, wuxuu la kulmay madax-wayne Sharmaarke. Subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 28/ 12- 1967-kii, ayuu ku booqday Aqalka Soomaalida (Villa Somalo). Ergeygan oo faallo ka bixiyay wada-hadalkii dhex-maray isaga iyo madax-waynaha wuxuu ku sheegey in Cabdi-rashiid uu ahaa ninka xiriirka gooyay markiisii hore. Waxaa kaloo uu ahaa ninka horseedaha ka noqday in siyaasadda Soomaaliya ay la meereysato malluugyada dowladaha reer bariga. Laakiin hadda madax-waynaha ay u muuqato in uu ka soo laabtay aragtidaas oo siyaasaddiisa ay ku socoto marin-meerka dowladaha reer galbeedka. Ergeygan wuxuu faalladiisaas daliil uga dhigay ninka Cabdirashiid uu u doortay ra´iisul-wasaaraha oo ah nin xambaarsan aragtida reer galbeed.
Madax-wayne Sharmaarke qudhiisu wuxuu filayay, mar haddii uu xiriirkii soo laabtay, dowladda Ingiriiska in ay bixiso ballan-qaad ay ku taakuleeneyso dowladda Soomaaliya. Laakiin rajadaasi waxay noqotay mid soo xiranta markii uu la kulmay ergeygii Ingiriiska. Si-kastaba wada-hadalku ha ku dhamaadee, heshiiskaasi wuxuu sabab u noqday xiriir diblomaasiyadeed oo ka dhex-bilawday Soomaaliya iyo Kenya. Labada dal ee deriska ah oo aanan horay wax xiriir ah u lahayn ayaa waxay markiiba bilaabeen in ay safaarado is-dhaafsadaan. Cabdi-raxmaan Axmed Saalax wuxuu ahaa danjirihii ugu horeeyey oo soomaali ah oo Nairobi fariista, kaas oo la magacaabay bishii February 1968. Saddex bil dabadeed Kenya ayaa Iyana dhankeeda ka soo magacawday danjire Xamar u fariista. Shiikh Balale oo ah nin reer xeebeed ah ayuu ahaa danjirihii Kenya ay u magacawdey in uu u fariisto magaalada Xamar.
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com