Thursday, March 8, 2018

Taariikhda Dowladdii Rayidka ahayd 1-dii Luulyo 1960 ilaa 15-kii Oktoobar 1969

Qaybta 3aad

Madax-wayne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, guddiga uu magacaabay ayaa dhamaantood ka-mid ahaayeen maqaawiirtii golaha dhexe ee xisbiga SYL. Waxaa odey u ahaa madax-waynihii hore Aadan Cabdulle Cismaan. Waxaa xubin ka ahaa af-hayeenkii barlamaanka Shiikh Mukhtaar Maxamed Xuseen. Waxaa kale oo kamid ahaa Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdi-raxmaan iyo Maxamed Shiikh Gabyow. Fadhiyo iyo wada-xaajood heer xisbi ah oo raggaasi ay galeen, taladii waxay ku soo gaba-gabeeyeen, Cabdi-risaaq Xaaji Xuseen in laga qaado xilkii guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga SYL, laakiin loo oggolaado in uu xisbiga ka sii ahaado xubin caadi ah.
Cabdi-risaaq, markii uu waayay xilka hoggaanka golaha dhexe ee xisbiga, wuxuu go´aansaday in uusan xubin kasii ahaan SYL oo uu isaga-baxo. Isagu wuxuu markaas dhisay xisbi cusub oo mucaarad ah, kaas oo uu ku magacaabay DAP (Democratic Action Party). Iyada oo la raacayo saddexda alif-ba´ ee xarfaha ugu horeeya (DAP), ayaa Soomaalidu waxay u yiqiineen magaca xisbigan Dab-ka. Barnaamijkan ah in xisbigii talada hayay laga baxo oo xisbi mucaarad ah la dhiso, Cabdi-risaaq waxaa kaga horeeyey Xaaji Maxamed Xuseen iyo Shiikh Cali Jimcaale. Iyaguna midkoodna guul kama ayan keenin markii ay mucaaradeen SYL bilowgii sanadihii 1960-aadkii. Cabdi-risaaq wuxuu ahaa nin dhiiran oo cod-kar ah. Kulamada toddobaadlaha ah ee xisbigiisu uu ku qaban-jiray xarunta xisbiga ayuu khudbado xiisa leh ka jeedin jiray.
Cabdi-risaaq ma uusan ahayn nin ku cusub hoggaanka siyaasadda Soomaaliya. Isagu wuxuu soo qabtay xilal sare oo ay kamid yihiin xogheyaha guud ee SYL, wasiirka gudaha ee dowladdii ugu horeysey madax-bannaanidii dabadeed, ra´iisul-wasaarihii saddexaad oo xilkaas qabta Cabdullaahi Ciise iyo Cabdirashiid dabadood iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga SYL. Maadaama uusan ku cusbeen fagaaraha siyaasadda, taasi waxay dhalisay in xisbigan cusub uusan soo-jiidan dad-waynihii siyaasadda xiiseyn jiray. Xisbigana lama uusan iamn xisbigu fikrado cusub oo lagu raaco. Sidaa darteed, doorashadii ugu danbeysey ee dalka ka dhacday bishii marso 1969-kii, xisbigii Dabka wuxuu kuraastii barlamaanka ka heley laba xubnood oo keliya.
Ra´iisul-wasaare M. I. Cigaal muddadii uu xilka hayay wuxxuu ku dadaalay in uu hagaajiyo xiriirkii dibadda ee Soomaaliya, isaga oo gaabiyay liifaddii colaadda ee ka dhexesey Soomaaliya iyo dowladaha deriska ah (Kenya iyo Itoobiya). Waxaa kale oo siyaasaddii dibadda dowladdii ra´iisul-wasaare Cigaal ay ku guuleysatay in ay soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed eek a dhexeeyay Soomaaliya iyo Ingiriiska. Xiriirkaasi wuxuu kala go´naa tan iyo sanadkii 1963-kii, markaas oo uu ra´iisul-wasaare dalka ka ahaa Cabdi-rashiid Cali Sharmaarke. Marka uu M. I. Cigaal xilka qabanayay, xiriirkaasi waa uu go´naa. Xiriirka jarnaa waxaa u sabab ahaa Ingiriiska oo sanadkaas dalka Kenya siiyay madax-bannaani, isla-markaas ku dhawaaqay, gobolka NFD in uu kamid yahay gobollada dalka Kenya.
Cigaal si uu uga fogaado tuhun waddaniyad-xumi ee uga yimaada dhanka Soomaalida, kuma uusan deg-degin soo celinta xiriirka Ingiriiska. Wuxuu ku dadaalay, ragga dowladda kula jira iyo masuuliinta SYL in uu si hoose ugala sheekeysto, guud ahaan hagaajinta xiriirka dowladaha reer galbeedka. Markii uu ku qanciyay arinkii, wuxuu gacan kaga heley qaar kamid ah xubnihii barlamaanka. Dabadeed wuxuu furay wada-hadal lagu soo celiyo xiriirka xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyey Soomaaliya iyo Ingiriiska.

In-kasta oo labada dhinac uu mid waliba danaynayay soo celinta xiriirka, misana mid waliba waxay dooneysey in iyada uusan ka man codsiga bilawga ah. Ra´iisul-wasaaraha Soomaaliya wuxuu ku guuleystay in uu diblomaasiyiintii Ingiriiska ku qanciyo in Ingiriiska uu bilaabo codsiga, si uu markaas u helo xujo uu barlamaanka ku hor-tago. Bishii oktoober 1967-kii ayaa ra´iisul-wasaare Cigaal iyo wasiirkiisii dibadda Xaaji Faarax Cali waxay bilaabeen wada-hadalka ay Soomaaliya la yeelanaysay Ingiriiska si xiriirkii diblomaasiyadeed loo soo celiyo. Nin la yiraahdo Malcolm Mac-Donald ayuu ahaa diblomaasiga Ingiriiska ah oo dowladdiisu ay u soo xil-saarta wada-hadalka, kaas oo booqasho ku yimid Xamar 27/ 12- 1967-kii.
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com