Wednesday, February 14, 2018

Taariikhda Dowladdii Rayidka ahayd 1-dii Luulyo 1960 ilaa 15-kii Oktoobar 1969

Qaybta 2aad

Dabayaaqadii sanadka 1965-kii, markaas ay Aadan Cabdulle Cismaan iyo Jomo Kenyatta ay kulmayaan, wafdiga madax-waynaha Soomaaliya waxaa la socday ra´iisul-wasaare Cabdi-risaaq Xaaji Xuseen. Wada-hadalkaas hore oo labada masuul ay yeesheen wuxuu ku dhamaadey is af-garad la´aan. Sababtu waxay ahayd Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in Kenya ay haysato dhul Soomaaliyeed. Fadhi leysku soo noq-noqday oo qaatay 11 saacadood ayaa wuxuu ku soo gaba-gaboobay qoraal uu diyaariyay ra´iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdi-risaaq. Waxaa diidey in uu saxiixo madax-wayne Kenyatta oo ku sheegey in qoraalku uusan ka muuqan xushmadda ay Soomaaliya u hayso is-haysadka gobollada Kenya iyo madax-bannaanida dalkeeda. Sidaas ayaa fadhigii looga soo kala-kacay iyada oo aana wax heshiis ah la gaarin.
Laakiin fadhigii ay Caruusha ku yeesheen Maxamed Ibraahin Cigaal iyo Jomo Kenyatta wuxuu kaga duwanaa midkaas hore, iyada oo labada masuul kala saxiixdeen waraaq is af-garad. Heshiiskaas uu Cigaal soo saxiixay oktoober 1967-kii, waxay dowladdiisii gudaha kaga kicisay dabayl adag oo mucaarad ah. Taasina waxay ahayd mid la-sugayay oo xilligaas Soomaalida waxaa ku xoogganaa aragtida qowmiyadeed. Dad-waynuhu wuxuu is af-garadku ula muuqday in uu yahay mid lagu iibsaday ruuxdii qowmiyadeed ee Soomaalida. Guux ah fal-celis ayaa ka yimid, taas oo laga dareemayay indheer-garadkii ku noolaa magaalo-madaxda Xamar. Sidaa darteed, golihii dhexe ee xisbiga SYL waxay qaateen fadhi ay arinka kaga hadlayaan. Kama ayan raagin in ay soo saaraan qaraar ay ku cambaareynayaan is af-garadka. Taasi waxay dhalisay tallaabo fal-celis ah oo dowladdu ay ka qaaday arinkaas. Ra´iisul-wasaare M. I. Cigaal oo isagu markaas ahaa xoghayaha xisbiga SYL, wuxuu amray in la xiro xaruntii dhexe ee xisbiga, si aanan loogu kulmin. Qoraal ay dowladdiisii soo saartay xilligaas oo ay kaga hadleysey siyaasaddeeda dibadda ayaa wuxuu u qornaa sidaan:
“ Annagu haddaanu nahay dowladda Soomaaliyeed, dowladaha deriskayaga ah middoodna kuma aanu sheeganeyno dhul. Mana aanu ku hammineyno in aanu qabsanno dhul ay dwolad kale leedahay ama aanu dhul-ballaarsi ku kacno ”. (Africa Confidential no- 19. 22/ 11- 1967)
Ra´iisul-wasaare Maxamed Ibraahin Cigaal, siyaasaddiisa la xiriirtay qadiyadda dhulka ay Soomaaliya ku sheeganayso dowladaha deriska ah, wuxuu ku muujiyay khudbad uu xilligaas ka akhriyay barlamaanka. Ereyadii khudbaddiisa waxaa kamid ahaa:
“ Annaga haddaanu nahay dowladdii Soomaaliyeed, waxaanu muujinaynaa taageerada aanu u fidineyno Soomaalida u halgamaya madax-bannaanidooda. Annagu iyaga ayaanu la jirnaa, welina waxaanu u fidineynaa taageero maaddi ah iyo mid macnawi ah, taas oo goor walba joogta iyo gole walba oo caalamku isugu yimaado. Arintaasina maahan mid aanu sinnaba uga laabaneyno “. (Africa Confidential no- 19. 22/ 11- 1967)
Wada-hadalkii Caruusha iyo is af-garadkii ka soo baxay, meel adag oo ayan dowladdu diyaar u ahayn ayay joojisay siyaasaddii gudaha ee Soomaaliya. Xisbigii SYL wuxuu u kala jabay laba kooxood oo kala qaatay fikrad taageersan iyo fikrad diiddan heshiiska. Maxamed Ibraahin Cigaal wuxuu si wanaagsan u ogaa sababihii fashilisay siyaasadda labadii ra´iisul-wasaare ee ka horeeyey. Sidaa darteed wuxuu qaatay aragti ah, si qabow oo wada-hadal iyo nabad ku dhisan in uu xalka u doono. Ra´iisul-wasaarihii hore Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu ahaa xil-dhibaan ka-tirsan xubnaha barlamaanka, isla-markaas wuxuu hayay xilka guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga SYL. Isagu wuxuu markaas bilaabay dhaqdhaqaaq uu ku mucaaradayo tallaabadan ay dowladdu ku kacday. Wuxuu noqday calan-sidaha garabka mucaaradka ah ee dowladda.
Cabdi-risaaq wuxuu ku dhaqaaqay abaabul dhismo garab xooggan oo mucaarad ah. Waxaa taageero u muujiyay xubno kamid ah golihii dhexe ee xisbiga SYL. Laba iyo toban kamid ah golahaas ayuu gurigiisa fadhi ugu qabtay. Xubnahaasi oo dhamaantood muujiyay mucaaradnimadooda, ayaa si wada-jir ah waxay u soo saareen qaraar ay qoraalkiisu ku xuseen in Maxamed Ibraahin Cigaal laga eryo xisbiga, xilkana laga qaado. Goortii uu arinkii dibadda yimid, ra´iisul-wasaare Cigaal wuxuu markiiba ku dhaqaaqay tallaabo siyaasadeed oo fal-celis ah, taas oo uu kaga hor-tegayo ololaha lidka ku ah isaga iyo dowladdiisa.

Isaga oo cayaaraya siyaasadda ah, intaanan lagugu quadayn, adiga ku quraaco, ayuu ra´iisul-wasaare Cigaal wuxuu fadhi u qabtay gilihii dhexe ee SYL maalintii ay taariikhdu ahayd 25/ 11- 1967-ki. Dood halkaas ka dhacday ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyey in xubunnimadii xisbiga lagaga qaado Cabdi-risaaq Xaaji Xuseen. Khilaafkii soo dhex-galay hoggaanka sare ee SYL wuxuu noqday mid cirka isku-shareerey. Madax-wayne Cabdi-rashiid, si uu khilaafka u hakiyo wuxuu magacaabay guddi musaalaxo oo isu soo dhoweeya labada siyaasi ee rug-caddaaga ah Cigaal iyo Cabdi-risaaq.
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com