Sunday, October 22, 2017

Taariikhda Dowladdii Rayidka ahayd 1-dii Luulyo 1960 ilaa 15-kii Oktoobar 1969


Qaybta 1aad

Dhallinyaro, waxaanu dib ugu laabanaynaa casharradii taariikhda ee dowladdii rayidka ahayd. Muddo sagaal sano ah ayay dowladdaasi dalka ku maamulaysay magaca is-bahaysigii dhallinyarada ee SYL. 1-dii julay 1060-kii illaa 15-kii oktoober 1969-kii ayuu cimrigeedu ahaa. Taxanaha taariikhdan waxay inoo maraysay bishii july 1967-kii, mudane Maxamed Ibraahin Cigaal uu qabtay xilkii ra´iisul-wasaaraha dowladda Soomaaliya. Xilligaas waxay ahayd goor siyaasaddii dibadda ee Soomaaliya ay dhex-mushaaxeyso hardankii ka dhexeeyay dowladaha waawayn ee dagaalkii qaboobaa. Soomaaliya, dhaqaale ahaan waxay ku sikanaysay dowladaha reer galbeedka, siyaasad ahaanna waxay ku sikanaysay dowladaha reer bariga. Soomaaliya waxay kamid ahayd dowladaha safka hore ee u doodi jiray sidii dalka Shiinaha looga saari lahaa cunaqabataynta siyaasadeed oo markaas lagu hayay. Waxaa jirtay in laga hor-taagnaa in ay xubin ka noqoto JQ ka Dh. Isu-soo dhowaanshaha Soomaalida iyo Shiinaha waxaa astaan u ahayd booqashadii uu Soomaaliya ku yimid ra´iisul-wasaarihii Shiinaha Zhou Enlai (1898-1976) bilowgii sanadkii 1964-kii. Waxaa xusid mudan in bartamihii 1967-kii, Shiinuhu ay Xamar ka dhiseen masraxa qaranka (National Theater). Geeraar uu arintaas ka tiriyay allaha u naxariistee abwaankii waynaa Carays Ciise ayaa wuxuu ahaa:
Raggeer taban-taabadiyo
Nasii taakulinhayaa
Tahniyad bey leeyihiin
Tiyaatarahaas la furey
Tallaaba aan qaadney iyo
Tabihii Soomaali iyo
Waa tumasho iyo tacliin
Xiriirkaas ay isugu soo dhowaanayeen Soomaalida iyo dowladaha reer bariga wuxuu ahaa mid si xooggan ay u dhibsanayeen dowladaha reer galbeedka. Ra´iisul-wasaare Maxamed Ibraahim Cigaal, si uu u qaboojiyo caqabadaha ka dhalanayay arintaas ee hor-taagnaa siyaasaddii dibadda ee Soomaaliya, wuxuu bilaabay in uu qaboojiyoxanafta dhex-tiil Soomaaliya iyo dowladaha la deriska ah. Bishii oktoober 1967-kii ayuu madax-waynaha dalka Kenya Jomo Kenyatta wuxuu la saxiixdey qoraal is-faham nabadeed (Memorandum of Understanding).
Arintaasi waxay ahayd tallaabo laga milicsanayo in siyaasaddii Soomaaliya ay soo debecdey. Isla-markaas waxay qaboojisay colaadda lagu magacaabo Dagaalkii Shuftada ee ka socotay gobolka NFD (North Front District), taas oo ka dhexeysay qowmiyiin Soomaali ah iyo ciidamada Kenya. In-kasta oo heshiiskaas uusan noqon mid la sii wado oo dowladdii Soomaaliya uu ku yimid af-gembi ay ciidamadu kula wareegeen talada, misana muddo laba sano ah ayaa dadkii Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa gobolka waqooyi-bare ee Kenya, waxay ku heleen nabad aanan soo marin muddadii madax-bannaanida uu dalku ahaa. Xuquuq badan oo laga hor-taagnaa ayaa Soomaalida u bilaabatay xilligaas in loo oggolaado.

Ra´iisul-wasaare Cigaal, siyaasaddiisii waxaa markaas ku bilaabatay mucaarado xooggan. Waxay salka ku haysay heshiiskii is-afgarad oo uu la soo saxiixdey madax-waynaha Kenya ee ku saabsan gobolka waqooyi-bari. Mucaaradada Cigaal waxaa hoggaaminayay ra´iisul-wasaarihii uu xilka kala wareegey (Cabdirisaaq Xaaji Xuseen). Waxaa xusid mudan, bishii disember 1965-kii, madax-wayne Aadan Cabdulle isaga oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzaniya, in madax-wayne Julius Nyerere uu ka codsadey in uu ka oggolaado kulan uu u sameeyo isaga iyo madax-waynaha Kenya. Jomo Kenyatta oo horay u aqbalay arinka ayaa waxay dhalisay in labadii madax-wayne in ay si aanan rasmi ahayn ugu kulmaan degmada Caruusha.
Qore: Dr. Saadiq Enow