Dhallinyaro, sida aanu soo xusnay ra´iisul-wasaare M.I. Cigaal wuxuu ku qanciyay dowladdii Ingiriiska in iyada uu ka yimaado codsiga soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo ay la lahayd Soomaaliya. Diblomaasigii Ingiriiska ahaa (Malcolm Mac-Donald), isaga oo ergey ah ayuu wuxuu la kulmay ra´iisul-wasaare Cigaal. Goor galab ah ayuu ergeygii wuxuu ra´iisul-wasaaraha kula kulmay xafiiskiisii. Labada nin waxaa fadhiga ku weheliyay wasiirkii dibadda Xaaji Faarax Cali. Sheeko gaaban dabadeed, ra´iisul-wasaarihii wuxuu wasiirkii ka codsaday in uu u firaaqeeyo xafiiska si ay u wada-hadlaan isaga iyo ergeyga. Diblomaasiga Ingiriiska ah, qudhiisu waa uu xiiseynayay in wada-hadalka uu marka hore ku ekaado isaga iyo ra´iisul-wasaaraha oo qura.
M.I. Cigaal wuxuu ergeyga martida ah ku
adkeeyey, marka la soo celinayo xiriirka labada dal in Ingiriiska uu ka filayo
in ay dowladda Soomaaliya taageeraan. Haddii kale waxaa hoos u dhacaya
kalsoonida dowladda uu hoggaaminayo. Diblomaasiga ayaa isna ka biya-diiday
arinkaas ah kaalmada oo wuxuu sheegey in aanan Ingiriiska laga filan taageero
deg-deg ah. Wada-hadalkoodii wuxuu ku dhamaaday saddex qodob oo ah (1)
Ingiriiska oo diidey in wax shuruud ah oo hor-dhac ah lagu xiro soo-celinta
xiriirka diblomaasiyadeed. (2) Si kasta oo dowladda Soomaaliyeed ay u liidato
xaaladdeeda dhaqaale, Ingiriisku ma-noqonayo mid ay ka fishaan dhaqaale lagu
kabo danbiisha Soomaaliya. (3) Ingiriisku wuxuu ku dadaalayaa, qaar kamid ah
ardayda Soomaaliyeed in uu u fidiyo deeq waxbarasho sanad-dugsiyeedka soo socda
ee ah 1968-1969.
Ra´iisul-wasaare Cigaal, in-kasta oo
uusan ku qanacin qodobadaas, misana waxaa kala waynaa in xiriirka soo laabto oo
Soomaaliya ay ka baxdo ciriiriga siyaasadda dibadda. Waxaa lagu heshiiyay
ka-hor intaanan la gaarin 5/ 1- 1978-ka in labada dal ay soo ceshadaan
xiriirkii, iyaga oo ka bilaabaya in ay is-dhaafsadaan labadii danjire. Iyada oo
dib loo dhigtay wixii wada-hadal ah oo la xiriira kaalmada dhaqaale.
Ra´iisul-wasaaraha waxaa loo sheegey in ayan jirin kaalmo wax ku ool ah oo
Ingiriisku uu goor dhow ula diyaar yahay Soomaaliya, laakiin markii uu xiriirku
hagaago kadib, arinkaas laga wada hali-doono. Iyada oo isla-markaas deeqda loo
bixin doono si qun-yar socod ah. Cigaal wuxuu markaas ka codsaday diblomaasigii
ergeyga ahaa in uusan warbaahinta gaarsiin in Ingiriisku uusan hadda bixinayn
ballan-qaad la xiriira kaalmada dhaqaale. Isagana waa uu ka yeeley.
Muddadii uu ergeygan ku sugnaa
magaalo-madaxda Soomaaliya, wuxuu la kulmay madax-wayne Sharmaarke.
Subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 28/ 12- 1967-kii, ayuu ku booqday Aqalka
Soomaalida (Villa Somalo). Ergeygan oo faallo ka bixiyay wada-hadalkii
dhex-maray isaga iyo madax-waynaha wuxuu ku sheegey in Cabdi-rashiid uu ahaa
ninka xiriirka gooyay markiisii hore. Waxaa kaloo uu ahaa ninka horseedaha ka
noqday in siyaasadda Soomaaliya ay la meereysato malluugyada dowladaha reer
bariga. Laakiin hadda madax-waynaha ay u muuqato in uu ka soo laabtay
aragtidaas oo siyaasaddiisa ay ku socoto marin-meerka dowladaha reer galbeedka.
Ergeygan wuxuu faalladiisaas daliil uga dhigay ninka Cabdirashiid uu u doortay
ra´iisul-wasaaraha oo ah nin xambaarsan aragtida reer galbeed.
Madax-wayne Sharmaarke qudhiisu
wuxuu filayay, mar haddii uu xiriirkii soo laabtay, dowladda Ingiriiska in ay
bixiso ballan-qaad ay ku taakuleeneyso dowladda Soomaaliya. Laakiin rajadaasi
waxay noqotay mid soo xiranta markii uu la kulmay ergeygii Ingiriiska.
Si-kastaba wada-hadalku ha ku dhamaadee, heshiiskaasi wuxuu sabab u noqday
xiriir diblomaasiyadeed oo ka dhex-bilawday Soomaaliya iyo Kenya. Labada dal ee
deriska ah oo aanan horay wax xiriir ah u lahayn ayaa waxay markiiba bilaabeen
in ay safaarado is-dhaafsadaan. Cabdi-raxmaan Axmed Saalax wuxuu ahaa
danjirihii ugu horeeyey oo soomaali ah oo Nairobi fariista, kaas oo la
magacaabay bishii February 1968. Saddex bil dabadeed Kenya ayaa Iyana dhankeeda
ka soo magacawday danjire Xamar u fariista. Shiikh Balale oo ah nin reer xeebeed
ah ayuu ahaa danjirihii Kenya ay u magacawdey in uu u fariisto magaalada Xamar.
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com
No comments:
Post a Comment