Thursday, December 31, 2015

  Maxaa habboon in shacab ahaan iyo madaxba in aynu qaadano?

Anigga oo ku dabba qabanaya qormadii horeysay ee aan ku sheegay waxyeelada qabiilka iyo sida uu u saameeyay Ummda soomaaliyeed, waxaa nala haboon in aynu qaadano tallaabooyinkaan soo socda:

1) in aynu xoojinno ha'aydaha Qaranka oo distuuriga ah.
2) in aynu xoojinno nabadgelyada Qaranka.
3) Maamulka dowladda oo lagala diriro si aan naxariis laheyn qabiilka iyo ku camal falkiisa. ku camal falkaasoo had iyo goor eex dugsada.
4)cilmiga iyo teknolojiyada oo aan adeegsanno si dalkeennu u gaaro horukac dhaqaale, kaasoo ah saldhiga isbedelka dhaqan ee bulshada.

waxay ila tahay qoddabadaas qaran ahaan waa kuwo innaga dhaxeeya intii aan soo sheegay iyo intii aad ku dareysaan waa kuwo u baahan in laga doodo. waxaan shaki ku jidhin mujtamac sida kaayaga oo kale ah oo faqiir ah, İlaahey uu san faqiirnimo u dhalin ee cilmi yarida daraadeed ay faqiir ka dhigtay, maxaa yeelay dhulka aynu leenahay marka baaxadiisa la eego waa dhul weyn.Kheyraad macaadineed iyo kuwo badeed iyo kuwo beereedna waa leeyahay. Laakiin cilmiga iyo teknolojiyadii aan sheegayay ayeynu isticmaalin.

Ma jirto mana jiri doonto in Ummadi horumar gaarto iyadoo aan si cilmi ah uga gudbin waxyaabaha hakin kara in ay gaarto guul wax qabad leh dhan kasta.
Waxaa lama huraan ah in aynu ogaano heerka iyo halka ay dunidu ka mareyso horukaca, isla markaasna aan la nimaadnaa niyad, rabitaan iyo yididiilooyin aynu ku higsaneyno horumarka asaagayagu gaaray, taasoo xaqiiqadu sida ay tahay lagu gaari karo ku dhaqanka cilmiga iyo teknolojiyada.


Tuesday, December 29, 2015

WAA MAXAY QARAN?

                                 WAA MAXAY QARAN?

Qaran maxaa lagu yaqaanaa? Qaran waxaa lagu yaqaanaa Dowlad xuduud leh, calan astaan u ah, nidaam dhisan leh, haddey Baarlamaan tahay, haddey maxkamado tahay oo kor laga soo bilaawo ilaa shacabiga lagu yimaado taxan. Ciidamo ilaaliya nabad gudaha iyi dibbadaba, maxkamado xukunka rida iyo xasbiyo wax lagu ciqaabo . Qaranku intaasuu leeyahay . Qaranka sidaa u dhisan qabiilku ma oggola , intaa midna ma oggola. Marka waxa uu doonayaa qabiilku in tiisa  iyo nidaamkiisa lagu dhaqmo, tan dowladnimada ahoo asiga ka sareysa ma oggola. Mar hadii Dowladi timaaddo Suladaan, Caaqil, Garaad iyo Ugaas waa kabaxeen meesha. Waxaa soo galay xoghaye degmo iyo xoghaye gobal (governor & commissioners),  nidaamka hadii uu yimaado duqeydii talada waa lagala wareegaa, xeer jajabkii laga bixin qawaaniin ka wada dhaxeysa qarankoo dhan baa la dhigayaa.
Markaa xeerkii uu geedka la hoos fadhiisan jirey xeer ka sarreeya soo baxaa oo qaranka oo dhan lagu dhaqayo.
Dalkii ama deegaankii uu isagu dhihi jiray anaa kaligey daaqaayoo cabbaya dowladdu ma oggola, ee dowladdu dalka ay u taliso o dhan ayey ka mas’uul tahay, oo dadku waa u siman yahay . Taana qabiilku ma oggola, biyahaa waa loo siman yahay dowlad kastaba aha ahaatee min tii İslaamka laga soo bilaabo ilaa tan maanta joogta.
Qabiilka iyo dowladda waxaa had iyo goor ka taagnaa tanaqudaad. Tanaqudaadkaas sida annaguba taariikhdayada ku aragnay hadba qolaa gacan sarreeysay. Miisaanku hada meeshii uu u diillamana waxaa lagu garan karaa markii qabiilku dowladda ka sara maro ama holliyo oo gilgilo, waxaa yimaada calaamooyinka soo socda:-
1)sharuucda qaranka oo daciifta oo aan lagu camal falin guud ahaan.
2)Ha’adaha Qaranka sida Baarlamaanka dowladda, maxkamadaha oo waxtar gaba, maxaa yeelay kuwa qabiilka ayaa taagan oo caaqilkii iyo suldaankii baa loo leexanayaa
3)Dagaalka qabaa’ilka ama qabiilada dhaxdooda oo bata.
4)Boobka xoolaha dadweynaha ama hantida qaranka iska leeyahay oo labadaba boobkooda la xalaaleysto.
5)Ku tumashada xuquuqda qofka oo caadi noqota.
Waxaas oo dhan waxay keenaan, cadaalada oo ka suusha  bulshada dhaxdeeda, dhaxalsiinsana Ummadaas fawdo iyo degannaansho la’aan joogto ah, dagaal, tuugo, dhac, boob.
Hadii haddaba qabiilku daciifo, intaa aan soo tilmaayay cagsigeeda ayaa imaaneysa.

Haddaba haddii qabiilku yahay kan eynigaas ah lagu yaqaanno, ayna caddaatay inuu si weyn madaxa ula soo kacay ama uu qasaayo waligii siiba waayahan dambe, ayna muuqato inuu halis geliyey minimadii iyo jiritaankii qaranka Soomaaliyeed. Maxaa habboon in shacab ahaan iyo madaxba in aynu qaadano?
Waa su’aasha aan ku falanqeyn doono qormada soo xigta. Fikirkiinu waaa muhiim hoos ku soo qor wixii talo ah.

Mahadsanidiin

QABİİLKA İYO QARANKA

                    QABİİLKA İYO QARANKA

waa maxay qabiil?

Sideedana mushkilo dhaqan ama dhaqaale xallinteeda had iyo goor waxaa habboon in la kaashado cilmi, baaritaan cilmi ah in lagu sameeyo marka hore, laga doodo, la rogrogo, dabadeedna laga soo saaro xal munaasib u ah mushkiladaas. Hadaan sidaa layeelin waxaa imaanaysa in xaajada isha iska rido, oo meeshii ay ku habooneed meel aheyn lageeyo, xalkii wax lagaga qaban lahaa mid aan aheynna loogu taliyo.

Hadaba,qabiilka waa maxay? Aynu isweydiino. Bal marka hore aynu u sameyno sicilmi ah qeexid iyo tilmaam. Waxaa la oran karaa , waxaan filayaa inaynu isku diideyn qabiilku in uu yahay hab dhaqan oo salka ku haaya dhaqaale mucayin ah oo layaqaan. Dhaqankaas iyo dhaqaalahaas marka laysku qaado waxey ku abaaran yihiin marxalo mujtamacyada Adduunku ay so wada mareen oo binu'aadamka dhabbe lagu yaqaanay oo uu soo wada qaaday ah oo la yiraahdo marxaladii horeysay ama bidaa'iga aheyd "primative societies" . Waxay ilatahay taa inaan isku diidaneyn. Wax u gaar ah Afrika iyo Soomaaliya ma aheyne Adduunka binu'aadamkiisa oo dhan marxalad uu soo maray, walow in badan oo dadka Addunka ku nool ay ka gudubtay weeye sida aanu ka warqabno. Kagudbiddaas oo iyana marka ku timid, haddeynu niri waa hab dhaqan iyo dhaqaale, dhaqaalihii oo isbedelay dabadeedna keenay inuu dhaqanku isbadelo .

Markeynu sidaa kalmad kooban ugu eegno qabiilka, haddana aynu isha ku qabano keenna, walow aad mooddo inuu aad Afrika oo dhanba ugu faafsan yahay iyo dhulalka kale ee Adduunka sidaad ka warqabtaan -sida Aasiya,Laatiin Ameerika in laga hel helo.. Haddeynu isha keena ku qabanno, marka hoos loo dego wuxuu ku dhisan yahay abtirsiimo wax la yiraahdo xag dhiig dugsaneysa, marka kor loo loo qaadana meesha ay rabto gaari karto oo qolaba meel ku rarto laakiin marka hooos u dhaco unugga ugu danbeeyo oo qabiilku yahay, sidaad ka warqabtaan, reerka,qoyska labada bahood oo odegu qabo ficillankooda ayaa ugu hooseeya meel qabiilku gaaro.

Qabiilka sidaas ah, aragtidiisu, waxey ka kooban tahay bay'adda deegaankiisu uu yahay, bay'addaas oo leh, haddii ay tahay xoolaha uu dhaqanhayo, geel,ari,lo',fardo iyo wixii la halmaala ee afarta xoolo Addunyo la oran jiray, hadey tahay daaqsiinta, barinka uu daaqaayo ee uu dagan yahay, hadey tahay ceelasha halkaa ku yaalla, kuwo la qodayo ama kuwa qodanaa oo la cabbahyo ah,  haddey tahay qaaraanka waxa layiraahdo oo hababka qabiilkaasi ku dhaqmo ah, haddey tahay diyada bixinteeda iyo garta kala gasha afraadda qabiilkaas ka garnaqiddeeda.

Aragtidiisu qabiilku waxa uu ku eg tahay ama ku kooban tahay bey'addaas, mid ka shisheysa hadba bey'addas uu deggan yahay ma aha. Dal waxaa u ah sida aan idhi, hadba deegaankiisa xoolihiisa uu ku dhaqdo, kaasoo laftiisu  aan joogto aheyn ee badelmaya, maanta hadii uu halkaan ku abaarsado berri halkaas tegayo, hadba meeshii seymo roob ku hooraaan u guuritaankeeda oo iyada lafteedu dal u ah, inkastoo ay suurowdo muddaba inu inta meel yaallo uu yiraahdo halkaan ayaan daaqaa.

sharciga u degsan qabiilku sida aad ogtihiin waa, xeer jajabka. Ciqaabtuna badanaaba waa mid guud ee mid gaar ah ma aha. Ciqaabta bixinteeda waxaa ka qeyb gala ama qabiilkoo idil ama marka qabiilka laga yimaado xeerka hoose ee qofkaas wax lagu yeeshay uu ku abtirsanayo ama qoyska uu  isagu ka soo kallahay. Ciqaabtu waxay noqotaa mid loo dhanyahay badanaa, sida diyada oo kale, daqarka, jaa'ifada iwm.

    sidoo kale deegaanka difaaciisa, dagaalka iyo dumidda iyo abaabulida dagaalka iyadana waa arin jimaaci ah oo qabiilka oo dhan ka dhaxeyso . waxaa qabiilkoo dhan  ka dhaxeeya xagga dhaqaalaha ceelasha iyo daaqsiinta. laakiinse xoolaha qabiilku waa hantiile oo nin walbaa hantidiisa asigaa leh, laakiinse dhulka,ceelasha,daaqsinka iwm waa ka dhaxeeyaan.

Markeynu sidaa u fasirno, haddana keena waxaa la yiraahdaa Diinta islaamka ayuu heystaa. Bal hada aanu eegno halka uu diinta ka heysto. Diinta İslaamku weynu naqanaa waa caddahay waa tii Quraanka Munasalka oo İlaahay soo dejiyay iyo Axaadiista Rasuulka "Naxariisi korkiisa ha ahaatee" ku fadhida.

Qabiilku waxa diinta kaga xoog badan caadooyinkii ka Ab ka Ab uu ku dhaqnaa ama xeer jajabkii aan idiin sheegahayey oo shuruucdiisa ay ku dhisan yihiin , iyagoo ka shidaal qaadanaya caadooyinkaa aan soo sheegay. Caaadooyinkaas oo ka horreeyey İslaamka. waxa uu İlaahey yidhi.
     
                 "walakum filkhasaasi xayaatun yaa ulel albaabi"

İlaahey waxa uu yidhi "qisaasta nolol baa idiinkugu jirta wax garadkow". Qabiilku ma oggala mahmaa qofkaa uu toban ama labaatan dilo xooggaa geela iyo ari ah in laga bixiyo weeye xaajadiisu isaga.
Marka halkaa shuruucdii islaamka kama oggola marka ay timaado xagga shareecada ku camalfalkeeda, weliba dhinaca janaa'iga ah ma oggola. xeer jajabkii hoose ayuu kula noqonayaa, maslaxo iyo xoolo ka qaadasho iyo faataxo u marid aan sii jireyn weeye xaalkiisu.

İslaamka kala sarreynta ma oggola. Nabigu. Naxariis kortkiisa ha ahaatee wuxuu yidhi.
"dadku waxa uu u siman yahay sida ilkaha saqafta oo kale"
"İlaahey agtiisana waxaa idiinkugu dhaw kan hadba idiinkugu cabsida badan"
Qabiilku ma oggola xadiiskaas oo waa la kala sareeyaa, ilaa qawsaar laga gaaro, nin layiraahdo oo ariga ama geela la raacsado. Marka ku xigtana dadka qaar buu faquuqaa oo dhiiggooda ku soocaayaa.

  Qabiilka hadalkiiyoo kooban marka diinta xaalkeeda ay joogto, maahmaahyadaan ayaan uga baxay. Sidaad ka warqabtaan diinta waxaa ugu sareeya qabiilka ninka yiraahdo "Fiqiga", hebel waa fiqi ama waa faqiih dhinaca carabiga marka loo koco, waxey ku maahmaahaan " Fiqi tolkii kama janno tago"
oo maxuusan ugu jannano tagin. İyaga naarta u jiidahaya oo mas'alo been ah oo eexi ku jirto ayuu ku garnaqayaa. Markey duulayaan ayey leeyihiin shan ka roorti noo aqri. Asma noo tuur bay leeyihiin oo isna wuu tuurayaa. waxey kaloo yiraahdaan: "Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa".


Qormada qeybteeda 2aad oo ayaddana mawduuc hoosaadkeedu yahay " waa maxay qaran?" waan soo wadaa. wixii fikir, tallo, tusaale ah hoos ku soo gudbi.
Mahadsanidiin.