WAA MAXAY QARAN?
Qaran maxaa lagu yaqaanaa? Qaran waxaa lagu yaqaanaa Dowlad
xuduud leh, calan astaan u ah, nidaam dhisan leh, haddey Baarlamaan tahay,
haddey maxkamado tahay oo kor laga soo bilaawo ilaa shacabiga lagu yimaado
taxan. Ciidamo ilaaliya nabad gudaha iyi dibbadaba, maxkamado xukunka rida iyo
xasbiyo wax lagu ciqaabo . Qaranku intaasuu leeyahay . Qaranka sidaa u dhisan
qabiilku ma oggola , intaa midna ma oggola. Marka waxa uu doonayaa qabiilku in
tiisa iyo nidaamkiisa lagu dhaqmo, tan
dowladnimada ahoo asiga ka sareysa ma oggola. Mar hadii Dowladi timaaddo
Suladaan, Caaqil, Garaad iyo Ugaas waa kabaxeen meesha. Waxaa soo galay xoghaye
degmo iyo xoghaye gobal (governor & commissioners), nidaamka hadii uu yimaado duqeydii talada waa
lagala wareegaa, xeer jajabkii laga bixin qawaaniin ka wada dhaxeysa qarankoo
dhan baa la dhigayaa.
Markaa xeerkii uu geedka la hoos fadhiisan jirey xeer ka
sarreeya soo baxaa oo qaranka oo dhan lagu dhaqayo.
Dalkii ama deegaankii uu isagu dhihi jiray anaa kaligey
daaqaayoo cabbaya dowladdu ma oggola, ee dowladdu dalka ay u taliso o dhan ayey
ka mas’uul tahay, oo dadku waa u siman yahay . Taana qabiilku ma oggola,
biyahaa waa loo siman yahay dowlad kastaba aha ahaatee min tii İslaamka laga
soo bilaabo ilaa tan maanta joogta.
Qabiilka iyo dowladda waxaa had iyo goor ka taagnaa
tanaqudaad. Tanaqudaadkaas sida annaguba taariikhdayada ku aragnay hadba qolaa
gacan sarreeysay. Miisaanku hada meeshii uu u diillamana waxaa lagu garan karaa
markii qabiilku dowladda ka sara maro ama holliyo oo gilgilo, waxaa yimaada
calaamooyinka soo socda:-
1)sharuucda qaranka oo daciifta oo aan lagu camal falin guud
ahaan.
2)Ha’adaha Qaranka sida Baarlamaanka dowladda, maxkamadaha
oo waxtar gaba, maxaa yeelay kuwa qabiilka ayaa taagan oo caaqilkii iyo
suldaankii baa loo leexanayaa
3)Dagaalka qabaa’ilka ama qabiilada dhaxdooda oo bata.
4)Boobka xoolaha dadweynaha ama hantida qaranka iska
leeyahay oo labadaba boobkooda la xalaaleysto.
5)Ku tumashada xuquuqda qofka oo caadi noqota.
Waxaas oo dhan waxay keenaan, cadaalada oo ka suusha bulshada dhaxdeeda, dhaxalsiinsana Ummadaas
fawdo iyo degannaansho la’aan joogto ah, dagaal, tuugo, dhac, boob.
Hadii haddaba qabiilku daciifo, intaa aan soo tilmaayay
cagsigeeda ayaa imaaneysa.
Haddaba haddii
qabiilku yahay kan eynigaas ah lagu yaqaanno, ayna caddaatay inuu si weyn
madaxa ula soo kacay ama uu qasaayo waligii siiba waayahan dambe, ayna muuqato
inuu halis geliyey minimadii iyo jiritaankii qaranka Soomaaliyeed. Maxaa
habboon in shacab ahaan iyo madaxba in aynu qaadano?
Waa su’aasha aan ku falanqeyn doono
qormada soo xigta. Fikirkiinu waaa muhiim hoos ku soo qor wixii talo ah.
Mahadsanidiin
No comments:
Post a Comment