Thursday, December 31, 2015

  Maxaa habboon in shacab ahaan iyo madaxba in aynu qaadano?

Anigga oo ku dabba qabanaya qormadii horeysay ee aan ku sheegay waxyeelada qabiilka iyo sida uu u saameeyay Ummda soomaaliyeed, waxaa nala haboon in aynu qaadano tallaabooyinkaan soo socda:

1) in aynu xoojinno ha'aydaha Qaranka oo distuuriga ah.
2) in aynu xoojinno nabadgelyada Qaranka.
3) Maamulka dowladda oo lagala diriro si aan naxariis laheyn qabiilka iyo ku camal falkiisa. ku camal falkaasoo had iyo goor eex dugsada.
4)cilmiga iyo teknolojiyada oo aan adeegsanno si dalkeennu u gaaro horukac dhaqaale, kaasoo ah saldhiga isbedelka dhaqan ee bulshada.

waxay ila tahay qoddabadaas qaran ahaan waa kuwo innaga dhaxeeya intii aan soo sheegay iyo intii aad ku dareysaan waa kuwo u baahan in laga doodo. waxaan shaki ku jidhin mujtamac sida kaayaga oo kale ah oo faqiir ah, İlaahey uu san faqiirnimo u dhalin ee cilmi yarida daraadeed ay faqiir ka dhigtay, maxaa yeelay dhulka aynu leenahay marka baaxadiisa la eego waa dhul weyn.Kheyraad macaadineed iyo kuwo badeed iyo kuwo beereedna waa leeyahay. Laakiin cilmiga iyo teknolojiyadii aan sheegayay ayeynu isticmaalin.

Ma jirto mana jiri doonto in Ummadi horumar gaarto iyadoo aan si cilmi ah uga gudbin waxyaabaha hakin kara in ay gaarto guul wax qabad leh dhan kasta.
Waxaa lama huraan ah in aynu ogaano heerka iyo halka ay dunidu ka mareyso horukaca, isla markaasna aan la nimaadnaa niyad, rabitaan iyo yididiilooyin aynu ku higsaneyno horumarka asaagayagu gaaray, taasoo xaqiiqadu sida ay tahay lagu gaari karo ku dhaqanka cilmiga iyo teknolojiyada.


1 comment:

  1. Since December 2015 till now Somalia sida blog ku sharaxday aye tahay weliba qabiilki iyo qabyaaladi aye si jeclaadeen heer waxaynu marayna in qabiil kasta calan yeesho qabiil hebel calankiisa iyo in hees loo qaado lagu faano qabyaalada; Somalia ayado qabyaalad iyo qabiil hebel la dhaafin Qaran ma noqoneyso .. It's my opinion thanks dhoore

    ReplyDelete