Tuesday, March 15, 2016

WAA MAXAY HAB IYO DAW?

Hab "
waa sida wax ay u sameeyaan waxa ay samaynayaan" (the Way things, do what they do), waa fikrad laga soo xigtay garaadyahan Shiinees ah oo la yiraahdo Han-Shan Deqing (Han-shan Te-ch'ing) oo noolaa inta u dhaxaysay 1546dii illaa 1623. Waxaa jiraa hab wax loo karsho, hab loo dagaalo, hab biyaha u dareeraan, hab kabaha ama macawista loo xirto, hab fakar ama fal looga faa'ido, iwm.
Marka ugu horeeya ee qofka baranayo "habka" loo xiro xargaha kabaha kooyada ah, way la adag yihiin, markuu  "habka" bartase isagoon is ogeyn ama hilmaamsan ayuu dhib la'aan si wanaagsan u xiranayaa, mana isku arkayo inuu wax weyn oo guul iyo ammaan uu ku mutaystay sameeyay. Haddiise qofka uusan marka hore baran "habka" xirashada kabaha, markuu xargihii isku margiyo ayay gunudyo la furfuri karin noqdaan, markaasuu xargihii jarjaraa, ama dad kale oo "habka" yaqaan uu baryaa si ay gunadyada u kala furaan. Qofka noocaas ah wuxuu aakhirkii nacaa kabaha xargaha ah, wuxuuna waligiisa ku socdaa dacas ama "kabo caajis" (lazy man's shoes = kabaha xargaha laheyn).
Sidaas darteed barashada iyo fahanka "habka" waa u muhiin wax kasto oo la samaynaya. Taas ayaana ugu wacan inuu Allaha Idil- Sarreeya ku amray Nabiga (SCW) iyo cid kasto oo si daacad iyo duluc u rumeysan inay wax akhriyaan, isagoo ku yiri:أقرأ  
Akhriska wuxuu ku barayaa "habka" hadalka, fakarka iyo falalka isku raacaan, isugu xigaan, iskugu xirmaan, loo kala xusho, la isugu xiro, loona xeereeyo, xuurul-caynna looga helo.Haddii "habkaas" la fahmo la habaabimaayo, habaasna na dadi maayo! Hore ayaa waxaa loo yiri: "Hab halbuu dhalaa. Halkiina labuu dhalaa. Labadiina saddexbay dhalaan. Saddaxdiina way sagaal saddex sodomeeyaan". Tirada "sagaal-saddex-soddomeysan" waxaa loola jeedaa tiro badan oo kumanaan dhaafo oo falag ahaan aan soohdin iyo seero lahayn.
Hab kasto oo sagaal-saddex-soddomeysma oo dad badan ay ku dhaqmaan wuxuu noqdaa "daw" dadka meel degan ay ku dhaqmaan. "Daw" daahay oo la iska dhaxlana waxuu noqdaa "Dhaqan".
Waa wax laga xumaado ah in dadka Soomaaliyeed oo muddo ka badan 1000 sano haystay diinta Islaamka, in 95%-99% aysan qori aqoonin,akhri karin ama fahmi karin Quraanka. Wixii aadan akhrininna fahankiisa buuxa helimaysid, aakhirkiina jahawareer waxaan ka ahayn, wax kale ka kordhisanmaysid. "Habkaas" qoris la'aanta iyo fahmi la'aanta diinta ayaa keenatay  in Soomaalida "hadal" mooyee "daw" iyo "dhaqan" akhrisba inaanan yeelanin.

No comments:

Post a Comment